| |
|
»Ujeeddooyinka Bogga qabridaharre.com |
Ujeeddooyinka Bogga Qabridaharre.com
Badanaa aadanuhu waxay jecel yihiin noloshoodu inay korto, isla mar ahaantaana waxay qiimeeyaan inay u koraan si dhib yar. Waxaa la iloobaa marar badan inaan la kori karin adigoo sidaadii ah, koritaanku wuxuu ubaahan yahay isbadel isbadelkuna wuxuu u baahan yahay ficil.
Wax kasta oo la bilaabo wuxuu ku biloowdaa fakar. Fakarku waa halbeega mustaqbalka waana go’aamiyaha meesha lagu danbeeyo iyo dhaxalka laga tagayo.
Hadaba markaan aragney sida dadkeenu ugu kala baahsan yihiin dunida dacalladeeda, isla markaana ay noo muuqatey baahida loo qabo in la sameeyo xarun mideysa, isuna soo uruurisa, si loo mideeyo fakarkooda horumarineed, kana turjunta dareenkooda horusocod, tusisana inuu yahay dadaalkoodu iyo hadafkooduba mid wax ku oola oo aan marnaba la hilmaami karin ayaan is tusiney inay lama huraan tahay in la helo xarun ka turjunta dareenkooda xambaarsan horumarka.
Ujeeddooyinka qabridaharre.com waxaa kamida.
• Inuu noqdo xarun isu soo uruurisa inta horumarka jecel ee kala joogta aduunka qaaradihiisa. • In lagu war geliyo bulshadeena dhacdooyinka horumarineed ee laga sameeyey wadankii hooyo. • Inuu ka warbixiyo baahida horumarineed ee ka jirta wadankii iyo sida ay mihiim u tahay in gacan looga geysto. • Inuu noqdo xarunta dhiiri galisa, baraarujisana horumarka iyo waxqabadka.
Qabridaharre
|
|
|
|
|
..................................................

.................................................. |