Resources

Images

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

Login Form

Who's Online

We have 4 guests online
software buy

Ciid Wanaagsan: "Salaan iyo Hambalyo Kal iyo Laab ah!

Attention, open in a new window. PDFPrintE-mail

Last Updated (Tuesday, 30 November 1999 00:00) Written by wareerey Sunday, 20 September 2009 22:54

Dhamaan bahweynta Mashruuca Waxbarashada Qoraxey waxey halkan tahniyad iyo bogaadin uga dirayaan dunida muslimka ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaana leenahay Ciid Mubaarak illaahayna ciiddan teeda kale nabad iyo caafimaad ha inagu wada gaadhsiiyo. Sidoo kale waxaan illaahay ka baryaynaa in Mashruuca QEF uu usahlo ahdaaftiisa iyo in dhamaan hawlwadeenada ka qaybqaata Mashruucan oo illaahey baddal kheyr qaba siiyo. Markale waxaan leenahay Nabad iyo Caano ciiddan teedan kale eebbe ha inagu wada gaadhsiiyo caafimaad iyo cibaado suuban.

 CIID MUBAARAK.

 Qorahey Education Foundation

 

Guul Usoo hoyatey Mashruuca Waxbarashada Qoraxey "143 Ardey oo u baastey Jaamicadaha Dalka"

Attention, open in a new window. PDFPrintE-mail

Last Updated (Sunday, 13 September 2009 14:40) Written by wareerey Sunday, 13 September 2009 14:23

Hawlwadeenada Mashruuca QEF meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxey aad ugu diirsadeen natiijada kasoo yeedhay imtixaan dugsiyeedkii sanadkan kaasoo ardeyda dhigatada dugsiyada magaalada Qabridahare ay natiijadii imtixaanaadka ay wacdaro ka muujiyeen. Ardey ka gaadheysa 143 oo ayaa sanadkan u baastey iney galaan jaamicadaha waddanka Ethiopia iyadoo ay tahay guul markale u soo hoyatey mashruuca QEF iyo guud ahaan bulshada deegaanka.Sidoo kale ardey gaadheysa 61 ardey ayaa iyaguna ku guuleystey iney galaan shahaadada Diploma.

Dhanka kale in ardey gaadheysa 674 oo fadhiistey imtixaankii fasalka 10aad ay 667 oo kamid ahi ay u keeeneen dhibco aad  uwanaagsan kuwaasoo ay ugu baaseen iney bilaabaan Preparetory ay ugu diyaargaroobi doonaan jaamicadda. Hay'adda Waxbarashada Qoraxey ayaa warkan aad ugu diirsatey meelkasta oo ay kala joogaan iyadoo tani ay tahay guul kale oo kamid ah guulihi mashruucani uu gaadhsiiyey ubadka waxkabarta gobolka Qoraxey gaar ahaan magaalada Qabridahare. 11 jaaliyood oo kala jooga 11 waddan iyo 5ta qaaradood ayaa isugu tagey iney tayeeyaan waxbarashada Mashruuca QEF waxaana wax lagu farxo hormarka.

Sanadkan midkii ka horeeyey ayaa  94 ardey oo kamid aheyd 128 ardey oo u fadhiisatey imtixaanka fasalka 12aad(Preparatory College) ay ku guuleysatey iney helaan jaamicadaha kala duwan ee dalka Ethiopia iyadoo 37 kamid ahi ay xaq u yeesheen iney ku biiraan  kuliyadaha culuumta Sayniska khaasatan Kulliyadaha Injineernimada iyo Kulliyadaha caafimaadka.

 

Ramadaan Mubaarak : Kulli Caam Wa Antum Bikheyr!

Attention, open in a new window. PDFPrintE-mail

Last Updated (Thursday, 03 September 2009 19:32) Written by wareerey Friday, 21 August 2009 17:57

Maamulka iy hawlwaneeda mashruuca QEF waxey dhamaan umadda Muslimka meelkasta oo ay joogtaba ugu bishaareynaa bilashada bisha Barkeysan waxaana leenahay illaahay ha inaga aqbalo hana ina waafajiyo kheyrka bisha barakeysan. Meelkasta oo aad joogtaanba Ramadaan Kariim

   

Wareysi lala yeeshey mid kamid ah Ardeyda ka faaiidey mashruuca QEF oo kusugan dalka Maraykanka

Attention, open in a new window. PDFPrintE-mail

Last Updated (Monday, 03 August 2009 00:09) Written by wareerey Sunday, 02 August 2009 23:56

Laga soo bilaabo 2004 waxaan qoraalo badan laga soo gudbiyey mashaaariic badan oo samafaleed oo ay jaaliyaadku ku hawlanyihiin gaar ahaan mashruuca QEF oo ah midkii ugu horeeyey ee ka taabba galay maantana gaadhey meel aad u sareysa. Waxaa markii ugu horeysey noo suuro gashey inaan wareysi dheer la yeelanay mid kamid ahaa ardeydii dhiganaysay dugsiga Nuur Ugaas ee magaalada Qabridahare waxaana wax ka weydiiyey haddii QEF wax kaalmo u geysatey intii uu ardeyga ahaa. Zaki waxuu eegga ku suganyahay magaalada Sandiego waxuuna wacad ku marey inuu ka qaybqaato Mashruuca QEF . Wareysigiina sidan ayuu ku bilawdey.

Zaki: Waxaan Qabridahare kasoo tagay sanadkii 2006, markaan qabridahre kasoo tagayay waxaaan bilaabay fasalka sideedaad balse ma aanan dhameysan oo waan kasoo tagay, iskuulka aan dhigan jiray waxaa la odhan jiray NUUR UGAAS.

Suaal: Waxaa nagu maqaalo in mashruuca Waxbarashada Qoraxey oo caawiyo ardeyda dhigata dugsiyada Qabridahare, majirtaa wax caawimaad ah oo mashruucaasi u qabto ardeyda dhigata dugsiyada kala duwan ee Qabridahare?

Zaki:Run ahaantii mahad oo dhan waxaa iska leh ilaahay balse waxaan aad iyo aad oogu    mahadcelinaynaa Mashruuca waxbarashada Qabridhare ee aad iyo aad noo caawiyay dhan kaste oo aan ubaahnayn sida kuraasta iyo buugaagta daabacan ee wax laga barto  IWM  ( iyo waxii lamid ah ).

Suaal:  Adiga Shakhsiyan miyey jirtaa wax wanaag ah oo mashruucaasi kuu qabtey intii aad dhiganaysay dugsiga?

Zaki:Run ahaantii way jirtaa aad iyo aad baan oogu mahad celinayaa  mashruuca waxbarashada qoraxey wanaaga ay ii qabteen aniga iyo saaxiibadaydii aan iskuulka isla dhiganaynay wax qabadka ay noo qabteen halkan kuma soo koobi karo waxaanse  ugu waynaa  markay noo keeneen kuraas aan si wanaagsan oo waasac ah loogu fadhiisankaro oo aan Kadalloobkii iyo fadhigii xumaa karaysanay  taasna waxay noo kordhisay inaan jeclaano iskuulkanaga iyo waxbarashadaba aad baana oogu faraxnay ilaahayna haka abaal mariyo kuwii noo taray wanaagaaas.

Su aal: Haddii aad ka faaiideysatey Mashruuca QEF intii aad halkaas joogtey, maxaad ku tala jirtaa hadda oo aad Mareykan joogto?

Zaki:Waxaan kutala jiraa inaan garab istaago  mashruuca waxbarashada qoraxey oo aan kaalmo ka gaysto sidii uu usii midho dhali lahaa mashruucan isaga ah.

Su aal: Maxaad u sheegeyaa halwadeenada Mashruuca QEF ee dunida ku baahsan?

Zaki:Waxaan u sheegayaa inaynan marnaba ka caajisin hiilka iyo hooga ay la garab taaganyihiin dadkooda. Waxaan ogahay muhiimadda ay uu mashruucani u leeyahay aredyda Qabridahare dhamaantood waana mashruuc taariikhi ah illaahay abaalkiisa kasokoowna waxu mashruucani badbaadinayaa jiilashii mustaqbalka ee gobolka oo dhan waa inaan laga caajisin.

Su aal:  Maxaad kula talineysaa bulshada gobolka u dhalatey guud ahaan, gaar ahaan ree Qoraxey marka aad ogtahay waxqabadka Mashruuca QEF?

Zaki:Waxaan kula talin lahaa inay hirgaliyaan mashaariicyo kale oo waxqabad leh sida mashruuca waxbarashada qoraxey. Isku tashiga iyo kaalmeynta walaalaheen dhamaanteen waa mid adduun iyo aakhiraba ina faran. Ma jirto cid aad ku halleysaan walaalayaal.

Suaal: Waxaan Zakiyoow kuu rajeyneynaya kheyr waanad ku mahadsantahay waqtigaaga.

Zaki:Aad baad idiinku mahadinayaa dadaalkiina iyo sida aad ii sharafteen.

 

Abwaan Maxamed Hiirad oo gabay duco ah u mariyey Hawlwadeenada Mashruuca QEF

Attention, open in a new window. PDFPrintE-mail

Last Updated (Sunday, 02 August 2009 12:36) Written by wareerey Friday, 31 July 2009 23:16

Abwaan Maxamed Hiirad oo ah Abwaan Soomaaliyeed eebbana ku galladaysey murti iyo garasho ayaa waxuu gabay duco iyo amaan isugu jira u tiriyey hawlwadeenada Mashruuca QEF isagoo ku halqabsadey Saaxiibkii Axmed Dawlo. Abwaanka ayaa tixdan ka mariyey shirweyne mashruuca QEF uu ku qabtey magaalada Sandiego oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu sareysa mashruuca. Sandiego waxey ahayd meeshii laga aasaasey mashruuca QEF oo maanta ku biyo dhigey daafaha shanta qaaradood isagoo waxtar aan la qiyaasi karin gaadhsiiyey ubad ka badan 12Kun oo wax ku barta magaalada Qabridahare.

Gabaygan oo duco ubadan waxuu Abwaanku ku bilaabay sidan:

Allahayow kuwa diintiyo, khayrka  noo dalbanaaya

Derejo weyn u hibeeyoo , Dembigoodana dhaaf

 

Kuwa aan cid dilaynine , Nabadda noogu dadaala

Derejo weyn u hibeeyoo .Dembigoodana dhaaf

Allahayow kuwa deeqda ,Dadkoodii u huraaya

Derejo weyn u hibeeyoo , Dembigoodana dhaaf

 

Ducadaas dabadeeda , Dulucdii hadalkayga

Anigaan idin daahin , Bal aan diirka ka qaado

 

Da’roontii kacday waayo , U dareeraay tcliinta

Dawlad ay dhaliyaan iyo , Daryeel ay fidiyaan iyo

Lagama waayo dugaalsi !

 

Taas waxaa u daliila , Axmed Dowlo damiirkiyo

Dubkii way damqadeen ,Goortii dad u sheegay

Dooxadii qorraxay iyo Magaaladii qabri Daharre

Dugsigeeda sareeto Duruuftaa ubadkeeniyo

 Dayacay ku jiraan, Dhagxantii dixda tiil iyo

Doggobo aan debcahayn,  iyo Daasadaa u dhex yaalloo

Duruusta ay ku dhigtaan ,Doodii uu ku dhawaaqiyo

Dadaalkuu ku dhaqaaqay ,Tolkiis waa ku duxeenoo

Durba waa aqbaleenoo ,Illayn duul badan weeyee

Dhakhsaa maal la diyaarshey ,Kuraas hoos u dacsaysiyo

Qalab aan dadba haysan Lagu daabul maraakiib

Degdeg siiyo u gaadhe Doollar aan go’ahayna

Macallimiintii ka durduurte Ardadiina dadaaloo

mid damiina la waayoo jaamacaad u dareere

datoorka ina diirshiyo bulshadii danta raacdiyo          

qaar kaloo ku daydayba dooradaa la cayaaray

 

sandiyeegaa u darayde daawadeeda lahayde

daayinkaan baryayaaye duunyo uu barakeeyiyo

derejo wey idin siiyoo dembigiinana dhaafyey 

 M.  Hiirad
 O7 – 26 - 09

 

   

Page 1 of 3

Just My World